Caleema Saarka Madaxweynaha Hiirshabeele oo Jowhar laga dareemayo

HomeWararka

Caleema Saarka Madaxweynaha Hiirshabeele oo Jowhar laga dareemayo

Magaaladda Jowhar ee Xarunta Hiirshabeele ayaa waxaa maanta kusii qul qulaya wafuud kala duwan oo ka qayb galaya caleema saarka Madaxweynaha Maamulka

Amniga garoonka Bosaaso oo ladkeeyay iyo qaar kamid ah xujaydii Puntland oo soo laabatay (dhegayso)
QARDHO: Dhalinyaradda xoogsatada ah ee Gawaarida dhaqa & Maareynta Nolashooda.
Muqdisho laamaha Amniga oo gacanta ku dhigay Kooxo Burcad ah & waxyaabaha maanka dooriya

Magaaladda Jowhar ee Xarunta Hiirshabeele ayaa waxaa maanta kusii qul qulaya wafuud kala duwan oo ka qayb galaya caleema saarka Madaxweynaha Maamulka Hiirshabeele ee Cusub Maxamed Cabdi waare.

Qabanqaabada Munaasabada ayaa si weyn looga dareemayaa magaalada Jowhar, iyadoo la adkeeyay ammaanka, mas’uuliyiin ka socda Dowlada Federaalka iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa saacadaha soo aadan lagu wadaa inay gaaraan magaaladaasi.

Mas’uuliyiinta hadda gaaray magaalada Jowhar ayaa waxaa kamid ah madaxda dowlad goboleedyada Koofur Galbeed, Puntland iyo Galmudug, iyadoo sidoo kale ay halkaas ku sugan yihiin xubno beesha caalamka ka socda.

Xildhibaano ka tirsan labada golle ee baarlamaanka jamhuuriyadda Soomaaliya, wasiiro dowladda federaalka ka tirsan iyo qeybaha bulshada ayaa sidoo kale ku qulquleya magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabeele.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: