HomeUncategorized

Dagaal ku dhex maray Kalshaale, Hagoogane & Maygaagle ciidan beeleedka gobolka Cayn iyo Somaliland.

Buuhoodle, Feb 20 - Dagaal aad u culus ayaa maanta ku dhex maray Kalshaale, Hagoogane, Maygaagle iyo meelo ka mid ah gobolka Cayn ciidamo beeleedka gobolka Cayn iyo ciidamada Somaliland ee bishii Nofembar fariisimada ka samaystay meelo ka mid ah gobolka Cayn.

Al-shabaab oo sheegay ka bixitaankoodii degmada Buur Hakaba inay tahay xeeladd dagaal
QM oo sheegtey in Muqdisho ay ka barakaceen in ka badan 200,000 oo rayad ah. [Akhris …]
Burcadbadeed Soomaali ah oo afduubtay markab laga leeyahay dalka Talyaaniga

Buuhoodle, Feb 20 – Dagaal aad u culus ayaa maanta ku dhex maray Kalshaale, Hagoogane, Maygaagle iyo meelo ka mid ah gobolka Cayn ciidamo beeleedka gobolka Cayn iyo ciidamada Somaliland ee bishii Nofembar fariisimada ka samaystay meelo ka mid ah gobolka Cayn.

Dagaalka maanta ayaa xogaha laga helayaa ay sheegayaan in uu gaystay khasaare lixaad leh oo dhimasho iyo dhaawacba leh.

Meydka 8 qof ayaa la keenay magaalada Buuhoodle, halka 7 qof oo dhaawac ahna la geeyey cisbitaalka guud ee magaalada Buuhoodle ee gobolka Cayn.

Inkasta oo aan la xaqiijin tirada dhabta ah ayaa la sheegay ay tobaneeyo qof oo meyd ah la geeyey magaalada Burco, halka dhawr iyo toban dhaawac ahna la geeyey cisbitaalka magaalada Burco ee gobolka Togdheer.

Wararkii ugu dabmeeyey ee dagaalka ayaa sheegay in galinkii dambe ee maanta uu gurmad xoogani gaaray labada dhinac ee dagaalku u dhexeeyo.

Warar aan ka helay jiidda hore ee dagaalka ay sheegaya in ciidan beeleedka gobolka Cayn ay ku gacan sareeyeen dagaalka maanta dhacay, ayna la wareegeen fariismo ay hore ugu sugnaayeen ciidanka Somaliland.

7-dii bishan Febraayo ayaa dagaal kan la mid ahi uu ku dhex maray balliga Kalshaale ciidan beeleedka gobolka Cayn iyo kuwa Somaliland.

Zakariye Maxamed Cumar
Daljir, Buuhoodle.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: