Al-shabaab oo sheegay ka bixitaankoodii degmada Buur Hakaba inay tahay xeeladd dagaal

Buur hakaba, Feb 28- Dhaqdhaqaaqa Al-shabaab ayaa sheegay inay xeelad dagaal oga baxeen degmada Buur Hakaba ee gobolka Baay oo labo maalin ka hor ay la wareegeen ciidanka DF ee Soomaaliya iyo kuwa Amisom, dhinaca kale xaaladda degmada ayaa xaaladd deganaana ku soo laabatay ka dib la wareegiddii ciidanka dawladda iyo kuwa Amisom.


Sheek Mahad C/kariin oo Al-shabaab ugu magacaaban degmadaasi ayaa warbaahinta afka ku hadasha Al-shabaab waxaa uu u sheegay ka bixitaankooda degmada Buur hakaba ay ahayd xeeladihii iyo qorshayaashii ay horay uga baxeen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.


Sidoo kale masuulkaasi ayaa sheegay in aysan joojin doonin weerarada ku dhuffoo ka dhaqaaqaa, isagoo intaasi ku daray inay har iyo habeenba ay beegsan doonaan gudaha magaalada.


Degmada Buur Hakaba ayaa muhiimad weyn u lahayd Al-shabaab maadaamaa ay degmadaasi xiriiriso caasimadda Muqdisho iyo gobolka gobolada koonfur galbeed ee Soomaaliya, waxaana taa badalkeeda fursad weyn ay hada u siinaysaa dawladda Soomaaliya oo mar horaba shaacisay inay isku furmayaan Muqdisho iyo Baydhabo.


Diiwaanka Wararka daljir
Buur Hakaba
(S)

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com