HomeUncategorized

Xulka Sanaag oo 2-1 kaga badiyey Baay, iyo Sh. Dhexe oo 2-1 kaga adkaaday J. Dhexe.

Garowe, Dec 21 - Tartanka ciyaaraha gobollada Somaliya ayaa si habsami leh uga socda garoonka kubadda cagta ee Mire Awaare, Garowe.

Madaxweynaha Uganda oo farriin u soo diray dhiggiisa Soomaaliya.
Banaanbax ka dhan ah Dowladda Somaliya oo Kismaayo ka dhacay
Gobolka Sool oo galabta ka badiyey Nugaal, kana reebay tatranka ciyaaraha Puntland.

Garowe, Dec 21 – Tartanka ciyaaraha gobollada Somaliya ayaa si habsami leh uga socda garoonka kubadda cagta ee Mire Awaare, Garowe.

Ciyaaraha maanta dhacay ayaa waxaa isku arkay ciyaartoyda gobollada Sanaag v Baay oo ka tirsan Group D, iyo J. Dhexe v Sh. Dhexe oo ka tirsan Group C. Ciyaaraha ayaa ahaa kuwa aad u xiisa badan oo xulalka gobollada maanta is arkay ay soo bandhigeen karti iyo farsamo aad u saraysa, walow guushu ay raacday gobollada Sanaag iyo Sh. Dhexe oo carcar hor leh muujiyey ciyaaraha ay maanta ciyaareen.

Sanaag v Baay
Ciyaar aad u xiisa badan ayaa dhex martay xulalka gobollada Sanaag v Bay; ciyaarta ayaa ahayd mid aad u adag oo ciyaartoyda labada gobol ay cidiyaha ku dagaalamayeen si aad ahna ay ugu han weyn yihiin in ay u gudbaan wajiga 2-aad ee tartanka ciyaaraha gobollada.

Ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2-1, sidaasna ay guushu ku raacday xulka gobolka Sanaag.

Qaar ka mid ah ciyaartoyda gobolka Sanaag oo aan ka waraysanay dareenkooda iyo istraatiijiyada ciyaareed ee ay la yimaadeen ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yahay guusha u soo hoyatay, ayna hadda rajo weyn ka qabaan in ay u gudbaan warejiga 2-aad ee ciyaaraha gobollada Somaliya.

J. Dhexe v Sh. Dhexe
Sidoo kale, xulalka gobollada J. Dhexe v Sh. Dhexe ayaa ciyaaray maanta gelinkii dambe, soona bandhigay ciyaar farsamo ahaan aad u saraysan. Ciyaartoyda labada gobol ayaa soo bandhigay ciyaar aad u wanaagsan oo badi lagu ciyaarayey bartamaha garoonka, ayna adkayd in la saadaaliyo cidda guushu raaci doonto.

Ciyaartoyda gobolka Sh. Dhexe ayaa koox ahaan waxaa ka muuqday isku xiraan xoogan oo gool dhaliyayaasha iyo ciyaartoyda dhexda ka ciyaara ka dhexaysay, halka difaacooduna uu ahaa mid aan la mari karin, walow mararka qaar ay ka muuqdeen dulduleello ay ka faa’iidaysteen gool dhaliyayaasha xulka gobolka J. Dhexe.

Ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2-1, sidaasna ay guushu ku raacday xulka gobolka Sh. Dhexe.

Diiwaanka Wararka,
Idaacada Daljir. http://daljir.com/

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: