HomeUncategorized

Gobolka Sool oo galabta ka badiyey Nugaal, kana reebay tatranka ciyaaraha Puntland.

Garowe, Dec 15- Mid ka mid ah ciyaartii ugu xiisaha badnayd ayaa galabta ka dhacday garoonka kubadda cagta ee Mire Awaare, ciyaartaasi oo dhaxmartay

DHEGEYSO-Tartanka shaqooyin ka banaan dowladda hoose ee Galkacyo oo walaac laga muujiyey.
?Cismaan C. Boqorre, ku xigeenka afhayeenka baarlamaanka Somaliya oo aan waraysanay.
Jaaliyadda Puntland ee Britain oo taageertay go?aankii xukuumadda Puntland, soona dhaweysay in cilaaqaadka ay u jarto dawlada federaalka ah.

Garowe, Dec 15- Mid ka mid ah ciyaartii ugu xiisaha badnayd ayaa galabta ka dhacday garoonka kubadda cagta ee Mire Awaare, ciyaartaasi oo dhaxmartay gobollada Sool iyo Nugaal.

Ciyaartaan oo ahayd mid aad u xamaasad badan labada kooxoodna ay soo bandhigeen awooddooda ciyaareed ayaa guushu ku raaday xulka gobolka Sool oo hal iyo waxba kaga badiyey xulkii ku ciyaarayey magaca gobolka Nugaal.

Goolka kaliya ee xulka gobolka Sool ay ku badiyeen galabta ayaa dhashay qaybtii hore ee ciyaarta kadib markii ay heleen Rigoore ama gool ku laad, kaasi oo ay ku hubsadeen shabaqa xulka gobolka Nugaal, waxaana lagu kala nastay wareeggii 1-aad halkaas gool ee xulka gobolka Sool taasi oo markii danbana ciyaartuba ku soo dhammaatay.

Wareeggii 2-aad ee ciyaarta ayaa labada dhinacba soo bandhigeen dardar horleh oo ay ugu halgamayeen hanashada guusha ciyaartii soctay galabta.

Intii ay socotay qaybtii danbe ee ciyaarta xulka gobolka Nugaal waxaa ay heleen labo fursadood oo ahaa Rigoorayaal loo dhigay goosha horteeda kadib markii xulka gobolka Sool ay ku dhaqaaqeen qaladaad xagga ciyaarta ah, hase ahaatee xulka gobolka Nugaal kama faa?idaysan labadaasi fursadood oo waa laga qabtay kubadihii ay lateen.

Gabagabadii ciyaarta waxaa firinbiga dhammaadku uu yeeray iyadoo ciyaartu ay marayso 1-0 taasi oo ay guushu raacday xulka gobolka Sool, waxaana badiska galabta ee xulka gobolka Sool ay u suurto galisay in ay u gudbaan wareegga 2-aad ee ciyaaraha Puntland.

Gobolka Nugaal ayaa gabi ahaanba ka haray ciyaaraha kadib markii galabta laga badiyey, waxaana rajadoodu ku xirnayd oo kaliya badis ama bareejo ay la galeen gobolka Sool ee galabta badiyey.

C/fitaax cumar Geeddi,
Idaacadda Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: