Wasiir Siciid M. Raage: “Ma Jirto Guryo loo Burburinayo Dhismaha Dekedda Bosaso” (dhegayso)

HomeWararkaSiyaasadda & Dhaqaalaha

Wasiir Siciid M. Raage: “Ma Jirto Guryo loo Burburinayo Dhismaha Dekedda Bosaso” (dhegayso)

Wasiirka dekedaha, gaadiidka badda iyo la dagaalanka burcadbadeeda Puntland Eng. Siciid Maxamed Raage ayaa sheegay inuu jirin qorshe ay ku doonayaan i

Taariikhda gobolka Sanaag iyo Saldanadii faca weyneyd ee Soomaaliya (dhegayso)
Xildhibaan Maxamed Axmed Jacayl: “Canshuurta waa in Shilinka lagu Qaadaa oo Korontada Shilinka lagu Bixiyaa” (dhegayso)
Sirdoonka Turkiga: Dilka iyo jarjarka Jamaal Khashoggi waxaan u haynaa caddaymo laga helay bullaacadaha iyo waliba muuqaal

Wasiirka dekedaha, gaadiidka badda iyo la dagaalanka burcadbadeeda Puntland Eng. Siciid Maxamed Raage ayaa sheegay inuu jirin qorshe ay ku doonayaan inay ku burburiyaan guryaha magaalada Bossaso ee u dhow dekedda.

Isagoo ka hadlayay kulan kadhacay magaalada Bosaso oo bulshada loogu soo bandhigayay mashruuca ballaarinta dekedda Bosaaso ayuu sheegay in ay beenabuur yihiin wararka sheegaya in dowladda ay guryo burburinayso.

Wasiirka ayaa sheegay kaliya mashruuca inuu yahay balaarinta dekedda Bosaso oo haddii lagu guulaysto ah mid waxtar u leh bulshada, waxaana uu ku booriyay inay ka qaybqaataan horumarka oo ay la shaqeeyaan dowladda.

Tan iyo heshiiskii dowladda Puntland iyo shirkadda P&O ports ay ku kala saxiixdeen Dubai ayaa waxaa walaac ka muujiyay arinkaasi bulshada qaybaheeda kalle duwan kuwaasi oo muujiyay inay saamayn ku yeelan doonto guryahooda, dhanka kallena ay hoos u dhigayso wax soo dejinta iyo dhoofinta Bosaaso.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: