Alshabaab oo sheegay inay isku soo Dhibeen Askar Kasoo Goosatay Jubbaland

HomeWararka

Alshabaab oo sheegay inay isku soo Dhibeen Askar Kasoo Goosatay Jubbaland

Al-shabaab ayaa Magaalada Jilib ee Gobolka Jubada dhexe ku soo bandhigay saddex Askari oo ay sheegeen in ay ka mid ahaayeen Ciidanka Maamulka Jubaland

Wasiirka Ganacisga oo la kulmay Safiirka Turkey u fadhiya Soomaaliya
Warka Fiidnimo iyo Cabdirisaaq Faamoos, Daljir Bosaaso (dhegayso)
Wacaal daray ah: Musharax Madaxweyne Puntland Saynab Cilmi oo laga reebay liiska tartamayaasha

Al-shabaab ayaa Magaalada Jilib ee Gobolka Jubada dhexe ku soo bandhigay saddex Askari oo ay sheegeen in ay ka mid ahaayeen Ciidanka Maamulka Jubaland islamarkaana isaga goosteen.

Askarta ayaa lagu soo bandhigay Xarun ay leeyihiin Al-shabaab oo ku taalla Magaalada Jilib ee Gobolka Jubada dhexe.

Magacyada saddexda Askari ayaa lagu kala sheegay;
1-Aadam Cabdi Ibraahim Isaaq.
2-Abuukar Xuseen Ibraahim

3-Aadam Cali Maadey.
Al-shabaab waxaa ay sheegeen in Askartan ka goostay Jubaland ay Jilib ku soo dhaweeyeen xubno ka mid ah madaxda Al-shabaab iyo ehelada Askarta oo ku nool Jilib.

Idaacadda Afka Al-shabaab ku hadasha ayaa wareysi la yeelatay Askartan waxaana gaba gabadii Wareysigooda ay baaq ugu direen Askarta kale ee Jubaland ee ay ka soo tageen.

COMMENTS

WORDPRESS: 1
DISQUS: