Al-shabaab oo kabaxay degmada Beledxaawo

HomeWararka

Al-shabaab oo kabaxay degmada Beledxaawo

Al-Shabaab ayaa isaga baxay degmada Beledxaawo oo saacado ka hor ay la wareegeen, kaddib markii saaka aroortii ay weerar ku qaadeen. Duqeymo xoogga

XULASHADA DALJIR | XAAWO AXMED MAXAMED | GAROWE 9- JANUARY- 2023
Warka Fiidnimo iyo Cabdirisaaq Faamoos, Daljir Bosaaso (dhegayso)
Maraykanka Duqaymo ka geystay gobalka Bari degaano katirsan

Al-Shabaab ayaa isaga baxay degmada Beledxaawo oo saacado ka hor ay la wareegeen, kaddib markii saaka aroortii ay weerar ku qaadeen.

Duqeymo xooggan oo ciidamada Kenya ku qaadeen Beledxaawo ayaa la sheegay in Al-Shabaab isaga baxeen, sida dadka deegaanka ay sheegayaan.

Diyaarado Helicoptero ayaa la sheegay inay dul heehaabayeen degmada, markii Al-Shabaab la wareegeen, waxaana xaalada ay iminka tahay mid degan.

Al-Shabaab ayaa saaka waabarigii weerar xooggan ku qaadan saldhig ciidan oo ku yaalla duleedka Beledxaawo, halkaasoo fariisin u aheyd Ciidamada daraawiishta Jubbaland iyo ciidamada milateriga.

Weerarkaas ayaa ku bilowday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo saldhiga lagu qaaday, kaddibna ay xigtay dagaal toos ah.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa weeraray saldhig boolis oo ku yaalla gudaha degmada, waxaana markii dambe u suurta gashay inay la wareegaan.

Afhayeenka howl galada Al-Shabaab oo la hadlay wakaalada wararka ee Reuters ayaa sheegay in dagaalka ay ku dileen in ka badan 20 askari.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: