Maraykanka Duqaymo ka geystay gobalka Bari degaano katirsan

Duqeyn diyaaradeed ayaa laga soo wariyay in ay ka dhacday Degmada Qandala ee Gobolka Bari,halkaas oo ay fariisimo ku leeyihiin xubno ka tirsan Ururka Daacish.

Duqeynta ayaa la sheegayaa in ay ka dhacday degaan hoostaga Degmada Qandala waxaana geystay diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ah.

Saraakiil ka mid ah Ciidanka Puntland ayaa sheegay in duqeynta lala beegsaday Saldhig Ururka Daacish uu ku leeyahay buuraha ku dhow Qandala.

Saraakiishu waxaa ay sheegeen in xubno ka tirsan Daacish dhimasho iyo dhaawac loogu geystay duqeynta ka dhacday agagaarka Degmada Qandala ee Gobolka Bari ee Puntland.

Dowladda Mareykanka oo duqeymaha noocan ah ka fulisa Soomaaliya wali kama hadlin arrintan,waxaana dhowr jeer oo hore uu Mareykanku sheegtay duqeymo ka dhacay Gobolka Bari ee Puntland.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com