Dowladda Federalka ah,”  Iska Hor-imaad Ciidan oo Dambe Looma Dulqaadan Doono”

HomeWararka

Dowladda Federalka ah,” Iska Hor-imaad Ciidan oo Dambe Looma Dulqaadan Doono”

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed ayaa waxa uu sheegay Dowladda Soomaaliya in hada ay dejisay qorshayaal looga gaash

RW Ku-xigeenka Soomaaliya oo khudbad ka jeediyey shirka Wasiirrada Gaashaandhigga ee Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada.
Madaxweyne Farmaajo oo kulan isugu yeeray Wasiirada iyo Xildhibaannada ka soo jeeda Somaliland
DFS oo soo bandhigtay Sarkaal ay sheegtay in uu kasoo goostay Al-Shabaab

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed ayaa waxa uu sheegay Dowladda Soomaaliya in hada ay dejisay qorshayaal looga gaashaamanayo in markale uu isku dhac dhexmaro Ciidamo ka wada tirsan Dowladda.

Wuxuu sheegay in isbedel lagu sameeyay Ciidamadii ku sugnaa baraha kontorool ee dhacdooyinkii shalay ay ka dhaceen, lana bedelay Ciidamadii hore, laguna soo badalay Ciidamo kale.

C/rashiid C/laahi Maxamed Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegay in Guddi loo saaray baarista dhacdooyinkii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho iyo in la soo xaqiijiyo dadkii masuulka ka ahaa dhacdadas.

Mararka qaar ayaa Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Soomaaliya waxa uu isku dhacyo ku dhexmaraa magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka, waxaana saraakiisha Ciidamada ay sheegaan in uu ahaa shil.

Laba iska hor imaad oo shalay ka kala dhacay barkontoroolada Umbulotooriyo Ceelgaab iyo Tiyaatarka ayaa waxaa ku geeryooday Taliye ku xigeenkii hore ee Nabadda Sugiida gobolka Banaadir (Jiijiile) iyo Saddex ka mid aheyd ilaaladiisa, dhanka Ciidanka Millitariga Hal Askari ayaa uga geeryooday.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: