Ra’iisul Wasaaraha Ausralia oo Ka Hadlay Dil uu Geystey Sarkaal Soomaali-Maraykan ah

HomeWararka

Ra’iisul Wasaaraha Ausralia oo Ka Hadlay Dil uu Geystey Sarkaal Soomaali-Maraykan ah

Ra'isul Wasaaraha dalka Ausralia Malcolm Turnbul ayaa si adag uga hadlay dil Askari Soomaali Mareykan ah magaalada Minneapolis u geestay Haweeney u dh

Sawirro: Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Daahfuray Dood-Cimiyeed Loogu Magac Daray Doodaha Xagaaga
Dowladda Somalia & Beesha Caalamka oo ka shiray ka jawaabista Abaaraha
Maraykanka oo xayiraad dhanka socdaalka ah ku soo rogay saraakiil Shiinays ah (dhegayso)

Ra’isul Wasaaraha dalka Ausralia Malcolm Turnbul ayaa si adag uga hadlay dil Askari Soomaali Mareykan ah magaalada Minneapolis u geestay Haweeney u dhalatay dalka Australia oo lagu magacaabayay Justine Damond.

Waxa uu ka dalbaday Dowlada Mareykanka Ra’isul Wasaare Malcolm Turnbul in la cadeeyo sida uu u dhacay dilka Justine Damond oo 40-sano jir aheed, waxa uuna intaa raaciyay in dilkan uu ahaa mid argagax leh oo si weyn uga naxeen.

Ra’isul Wasaaraha dalka Ausralia oo Warbaahina la hadlay ayaa isweediiyay sida ay ku dhici karto in la toogto haweeney caawinaad weediisatay ciidanka booliiska sidoo kale wadatay xiligaasi dharka Jiifka, waxa uuna jawaab arintan ku aadan ka dalbaday dowlada Mareykanka.

Askari Soomaali Mareykan ah oo lagu Magacaabo Maxamed Nuur ayaa lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay dilka loo geestay Haweeneydan u dhalatay dalka Australia, booliiska ayaana wali wada baaritaan ku aadan sida uu dilkan u dhacay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: