WARBIXIN: Booqashada Wasiir Xoosh iyo Kulamada Cadaado

HomeWararka

WARBIXIN: Booqashada Wasiir Xoosh iyo Kulamada Cadaado

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray maga

Madaxweynaha Puntland oo Qasriga Madaxtooyada Ku Qaabiley Madax Ka Socota Hay’adda Samafalka ee Boqor Salmaan.
Masuuliyiinta Xisbiga Talada haya ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo loo qaaday Addisababa
Maraykanka & Ingiriiska oo soo dhaweeyay Ka Laabashada Muddo Kororsiga

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Cadaado ee caasimadda KMG ah ee dawlad goboleedka Galmudug.

Wafdiga ayaa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha cadaado Wasiirka Arrimaha Dastuurka, Wasiirka Amniga, Xildhibaanada, iyo saraakiisha ciidanka ee dawlad goboleedka Galmudug.

Wasiirka iyo wafdiga ayaa ugu horeyn booqday Madaxtooyada Galmudug iyaga oo la kulmay Ku-simaha Madaxweynaha ahna Gudoomiye Ku-Xigeenka labaad ee Baarlamaanka Galmudug Mudane Maxamed Sheekh Axmed (Sheekhul Balad).

AVV Xoosh ayaa uga warbixiyay Ku-simaha Madaxweynaha hawsha ay u yimaadeen Galmudug, isaga oo uga mahadceliyay dadka iyo masuuliyiinta Galmudug sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen wafdiga.

“Aad ayaan idinkaga mahadcelineynaa sida diiran ee aad noo soo dhaweeyseen, Cadaado waxa aan u nimid in dadka iyo madaxda Galmudug aan ka talo gelino Qorshaha Guud ee hannaanka dib-u-eegista Dastuurka oo ay Wasaaradda diyaarineyso si Geedi-socodka dib-u-eegista uu u noqdo mid lagu galo qorshe cad oo la isku raacsanyahay” ayuu yiri Wasiirka Cabdi Xoosh oo saxaafadda kula hadlay xarunta Madaxtooyada Galmudug.

Wafdiga ayaa maalmaha soo socda kulamo wadatashi ah la qaadan doona qaybaha kala duwan ee bulshada iyo madaxda Galmudug.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0