Waraysi Garaad Cabdullaahi Cali Ciid iyo Xaaladda Soomaaliya (dhegayso)

HomeWararka

Waraysi Garaad Cabdullaahi Cali Ciid iyo Xaaladda Soomaaliya (dhegayso)

Afhayeenka isimada Puntland Garaad Cabdulahai Cali Ciid ooo waraysi gaar ah siiyay Radio Daljir aya ka hadlay arrimo badan oo khuseeya xaalada dalka g

Kismaayo: xildhibaan iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda dhallinyarada ee Jubbaland ahna (Dhegaysi)
Somaliland oo ku dhawaaqday kisaas cusub oo Covid-19 ah
Caawa & Daljir iyo Maxamed Ibraahin Geelle, Daljir Garowe (dhegayso)

Afhayeenka isimada Puntland Garaad Cabdulahai Cali Ciid ooo waraysi gaar ah siiyay Radio Daljir aya ka hadlay arrimo badan oo khuseeya xaalada dalka gaar ahan shirarka magaalada Muqdisho muddooyinkii danbe uga socday madaxda dawlada dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada.

Garaadka ayaa sheegay inay wanaagsan tahay in laga wada hadlo dhismaha ciidanka soomalyeed iyo amniga qaran kulan loo dhan yahay isagoo intaa ku daray in madaxda soomaliya ay gartaan halka ku jirto danta dalka ayna ka fogaadaan wax walba oo khilaaf iyo xasilooni daro keeno kara .

Ugu Danbeyntii Garaadka oo wax laga wediiyay shirar ay isimada Puntland iyo qaar ka mid ah beelaha Puntland ay Garoowe ku lahaayen ayaa sheegay in ay isfahan ku dhameeyeen hawlahaas ayna u balansan yihiin kulama danbe.

Cabdi Xakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe, ayuu u waramay.

DHEGAYSO

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: