Maraykanka oo Xayiraaddii Ka Qaaday Diyaaradda Etihad Airways

HomeWararka

Maraykanka oo Xayiraaddii Ka Qaaday Diyaaradda Etihad Airways

Horaantii Todobaadkan Dowlada Mareykanka ayaa waxaa ay xayiraadii ka qaadey shirkadda duulimaadyadda ee Etihad Airways oo laga leeyahay dalka Isutaga

Coll Cabulaahi Gaafa ” Hogaamiye Koxeedyo ayeey isku baddalen dowlad gobaleedyadu (dhegayso)
Caawa & Daljir iyo Maxamed Ibraahin Geelle, Daljir Garowe (Daawo)
Duqayn ka dhacday gobalka shabeelaha hoose

Horaantii Todobaadkan Dowlada Mareykanka ayaa waxaa ay xayiraadii ka qaadey shirkadda duulimaadyadda ee Etihad Airways oo laga leeyahay dalka Isutaga Imaaraadka Carabta.

Maamulka Mareykanka ee uu Majaraha u hayo Madaxweyne Trump ayaa waxaa uu bishii Maarso ee horaantii sanadkan xayiraad dhanka qalabka Electronic-ga ah saarey rakaabka soo raaca diyaaradaasi gaar ahaan iyo guud ahaan duulimaadyada ka yimada garoomo dhowr ah oo Bariga dhaxe ku yaala.

Xiyaaraadan oo si guud u fuuleysey duulimaadyada ka yimaada 10 garoon oo ku yaala Bariga dhaxe balse waxaa uu si gaar ah u taabanayey shirkada Etihad madama iyadu ay tahay dulimadka ugu badan ee Bariga dhaxe ka baxa ee Mareykanka taga.

Etihad Airways oo Imaarada Abu Dhabi ee Dalkaasi Isutaga Imaaraadka Carabta laga leeyahay ayaa todobaadkii waxaa ay Mareykanka u sameysaa 45 dulimaad oo dhamaantood ka baxa Abu Dhabi.

Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: