Madaxweyne Farmaajo oo ku Wajahan Kismaayo

HomeWararka

Madaxweyne Farmaajo oo ku Wajahan Kismaayo

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) uu safar ku tagaayo Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka J

Caawa & Daljir iyo Khadar Cawl Ismaaciil, Daljir Garoowe (dhegayso)
Wasiir Xoosh oo Muqdisho lagu aasay
Askar ka tirsan ciidanka nabad ilaalinta ee QM oo lagu laayey dalka Mali

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) uu safar ku tagaayo Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada hoose.

Ilo Wareedyo ayaa sheegaya in suuragal ay tahay Madaxweynaha todobaadkaan gudihiisa inuu safar ku tago Magaalada Kismaayo, halkaasina uu kula soo kulmo Madaxda Maamulka Jubbaland.

Saraakiil ka tirsan Maamulka Jubbaland ayaa noo xaqiijiyay maalinta beri ah in Madaxweynaha laga sugaayo inuu tago Magaalada Kismaayo, waxaana la diyaariyay ciidamada Jubbaland si ay u sugaan ammaanka Magaalada Kismaayo.

Ujeedka Madaxweynaha uu u tagaayo Magaalada Kismaayo, ayaa lagu soo waramayaa inay tahay dhiiragelinta ciidamada Jubbaland iyo kuwa Xoogga dalka Soomaaliya ee ku sugan Magaaladaasi, kuwaasi oo dhawaan qaadaya hawlgal ka dhan ah Ururka Al Shabaab.

Habeen hore diyaarado aanan la aqoon meesha laga leeyahay ayaa Magaalooyinka Jilib iyo Jamaame ku daadiyay warqado ay ku qornaayeen dhalinyarada Shabaab inay ka faa’iidaystaan cafiskii Madaxweynaha Soomaaliya uu u fidiyay, ayna dib ula soo midoobaan qoysaskooda.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: