Madaxweyne Farmaajo oo ku Wajahan Kismaayo

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) uu safar ku tagaayo Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada hoose.

Ilo Wareedyo ayaa sheegaya in suuragal ay tahay Madaxweynaha todobaadkaan gudihiisa inuu safar ku tago Magaalada Kismaayo, halkaasina uu kula soo kulmo Madaxda Maamulka Jubbaland.

Saraakiil ka tirsan Maamulka Jubbaland ayaa noo xaqiijiyay maalinta beri ah in Madaxweynaha laga sugaayo inuu tago Magaalada Kismaayo, waxaana la diyaariyay ciidamada Jubbaland si ay u sugaan ammaanka Magaalada Kismaayo.

Ujeedka Madaxweynaha uu u tagaayo Magaalada Kismaayo, ayaa lagu soo waramayaa inay tahay dhiiragelinta ciidamada Jubbaland iyo kuwa Xoogga dalka Soomaaliya ee ku sugan Magaaladaasi, kuwaasi oo dhawaan qaadaya hawlgal ka dhan ah Ururka Al Shabaab.

Habeen hore diyaarado aanan la aqoon meesha laga leeyahay ayaa Magaalooyinka Jilib iyo Jamaame ku daadiyay warqado ay ku qornaayeen dhalinyarada Shabaab inay ka faa’iidaystaan cafiskii Madaxweynaha Soomaaliya uu u fidiyay, ayna dib ula soo midoobaan qoysaskooda.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com