RW Theresa May, “Doorashadu uma Hakanayso Falalka Argagixisada”

HomeWararka

RW Theresa May, “Doorashadu uma Hakanayso Falalka Argagixisada”

Ra'iisul wasaaraha Britain, Theresa May, ayaa sheegtay in doorashada guud ee dalkaasi ka dhacaysa Khamiista soo socota aan loo hakin doonin weerarrada

Khayre Ka Qayb Galay Munaasabadda Daah-furka Horumarinta Dhaqaalaha Gobalada Dalka
Saaka & Dunida iyo Cabdixakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe ( dhegayso)
Kor-u-qaadista codka haweenka: Awood-siinta dhanka warbaahinta

Ra’iisul wasaaraha Britain, Theresa May, ayaa sheegtay in doorashada guud ee dalkaasi ka dhacaysa Khamiista soo socota aan loo hakin doonin weerarrada argagixiso ee waddankaasi hareeyay.

Waxa ay intaa ku dartay in aan la ogolaan karin in falalka amni darrada ah ay qalqal galiyaan hannaanka dimuqraadiyadda.

Theresa May ayaa hadalkan jeedisay saacado ka dib weerarkii ka dhacay bartamaha London ee ay ku dhinteen 7 qof, ayna ku dhaacawmeen ku dhawaad 50 kale.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale sheegtay in kooxaha weerarkan iyo kuwii ka horreeyayba fuliyay ay taabacsan yihiin waxa ay ku tilmaamtay caqiiqadada sharta wadata ee xagjirka Islaamka, taasoo ay ku sheegtay mid khaldaysa diinta saxda ah iyo qiyamka Britain.

Xigasho-BBCSOMALI

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: