Micheal Keating oo ka Hadlay Heshiiskii Cadaado ku Dhexmaray Puntland iyo Galmudug

HomeWararka

Micheal Keating oo ka Hadlay Heshiiskii Cadaado ku Dhexmaray Puntland iyo Galmudug

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Michael Keating ayaa soo dhaweeyay Heshiiskii Magaalada Cadaado ay dha

Caawa & Daljir iyo Maxamed Lakiman, Daljir Bosaaso (dhegayso)
Warka Arooryo iyo Maxamed Lakiman, Daljir Garoowe (dhegayso)
Bukaanada HIV-Aids ee Puntland oo dallad cusub samaystay (dhegayso)

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Michael Keating ayaa soo dhaweeyay Heshiiskii Magaalada Cadaado ay dhawaan ku kula saxiixdeen Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug.

War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa labada Madaxweyne maamul goboleed loogu amaanay heshiiska ay kala sexiixdeen, waxaana looga codsaday labada dhinac in ay ka shaqeeyaan in ay ka mira dhaliyaan heshiiskaas.

“Beesha Caalamka waxay soo dhaweyneysaa Heshiiska Nabadeed ay gaareen labada Madaxweyne waxaana loo baahan yahay labada dhinac in ay meel mariyaan heshiiskaas, anagana waxaan ka shaqeyneynaa in aan qeybteena ka qaadano heshiiskaas islamarkaan dhiira galino”  Ayuu yiri Keating.

Madaxweynaha dowladda Puntland, Cabdiwali Moxamed Cali (Gaas) iyo Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa ku heshiiyay in xal kama dambeys ah laga gaaro dhibaatada Gaalkacyo.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: