HomeUncategorized

Saraakiil u hadashay dawlada federaalka ah ee Somaliya oo beeniyey in Kenya ay ciidamo qoris ka samaysay Gedo.

Doolow, Oct 21 - Mas'uuliyiin ka tirsan dawalada federaalka ah ee Somaliya Oo iyagu ku sugan degmadda Doolow ee gobolka geddo ayaa Waxay ka hadleen W

DHEGEYSO-Midnimada beesha Sade oo looga hadlay magaalada Caabudwaaq.
Dalal Afrikaan ah oo ku dhawaaqay in ay si deg deg ah ciidammo ugu soo dirayaan Somaliya. [Akhris …]
Dowladda Soomaaliya oo Beledweyne ka qaadaysa dhaawacyada liita ee wax ku noqday weerarkii shalay

Doolow, Oct 21 – Mas’uuliyiin ka tirsan dawalada federaalka ah ee Somaliya Oo iyagu ku sugan degmadda Doolow ee gobolka geddo ayaa Waxay ka hadleen Warar Wayadaan laysla dhaaf dhaafayey oo ahaa ciidamo qorista ka socota Kenya ay soo gaadhay gobolkaasi Geddo.

Sarkaal Sarre Oo ka tirsan Dawladda hadana ku sugan degmadda Doolow ayaa Waxaa uu Saxaafadda u xaqiijiyey in ay jiraan Ciidamo lagu Tababarayo kenya kuwaas laga qoray dhulka ay somalidu degto ee kenya hasse yeeshe aysan jirin in Ciidama qoristaasi soo gaadhay Dowlow iyo Caabudwaaq ee Gobolkaasi.

Afhayeenka Ciidamadda dowladda ku meel gaarka ah ee somalia ee degmadda doolow Cabdi barre aya Saxaafadda u Cadeeyey in ay jirto arintaasi lakiin aysan is qoristu weli ka bilaaban degmooyinka somalia balse ay ku egtahay oo keliya degmooyinka ay ku nool yihiin somalida qaxanootiga ee waddanka kenya.

Hadalka Cabdi barre ayaa Waxaa uu ku soo beegmayaa Xilli mudooyinkii ugu dambeyey la soo sheegey in ay jiraan ciidamo loo Tabarayo dowladda somalia hasse ahaate ay kenya iyo dowaladda somalia intaba Waxma kama jiraan ku Tilmaameen Arintaasi Waxaase Xaaladu Fashilantay markii la sheegay in is qoristu ka bilabaay deegano ka Tirsan Gobolka geddo.

Abdirahman mohamed koronto,
Idaacadda Daljir – Garoowe

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: