Waraysi Wararkii ugu Dambeeyey ee Roobka Nugaal iyo Mudug (dhegayso)

HomeWararka

Waraysi Wararkii ugu Dambeeyey ee Roobka Nugaal iyo Mudug (dhegayso)

Wararka ku soo dhacaya Istuudiyaha Daljir ee magaalada Burtinle ee gobolka Nugaal ayaa sheegaya in roobab siweyn loogu diirsaday ay xalay gelinkii dam

Golaha iskaashiga maamul goboleedyada dalka oo dowladda fadaraalka Soomalaiya markale eedeen ujeediyay: Akhriso
Wacaal Daray ah: Askari ku geeriyooday weerar kadhacay Ceel-daahir
WARBAAHINTA DALJIR OO MARKII LABAAD AGAB SPORTS KU WAREEJISAY GOOBO WAXBARASHO OO KUYAALA DEGMOOYIN&DEGAANO KATIRSAN GOBOLKA MUDUG

Wararka ku soo dhacaya Istuudiyaha Daljir ee magaalada Burtinle ee gobolka Nugaal ayaa sheegaya in roobab siweyn loogu diirsaday ay xalay gelinkii dambe iyo saaka ka de’een deegaamo hoosyimaada Burtinle iyo Xarfo.

Deegaamada roobsaday ayaa waxaa kamid ah  degmada Burtinle, Tuulada Jalam, Tuulada Magacley, Tuulada Cariska oo katirsan Cagaare, waxaana goob jooge ku sugan tuladaas ayaa sheegaya in xaalada tuuladaas iyo Hareeraheeda ay yihiin kuwo khatar ku sugan maadaama togga biyo buux dhaafiyeen.

Dhanka kalena waxaa roobsaday Degmada xarfo & deegaamada hoos yimaada, Bacaad-weyn, Ceel-Berrdaale   Gacana-fale ilaa Godad oo katirsan gobolka Mudug.

Nabadoon Cabdullaahi Cabdulle, oo ku sugan degmada Burtinle ee gobolka Nugaal ayaa arrimahaasi uga warbixiyey weriye Xasan Haykal oo ku sugan Daljir Boosaaso.

DHEGAYSO

COMMENTS

WORDPRESS: 1
  • nawaal muhiyadiin mohamed jogta galkacyo tell 7365296 7 years ago

    asc daljir mnsha alh raxmadii ilahy baaa ka curaty dhulka oo dhan ilahy baaa na nagasary abarti iyo kuleyki alxm ilahybaa mahada izka leh

DISQUS: