Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee dalka Hindiya

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee dalka Hindiya

Wasiirka wasaaradda waxbarashada dowladda faderaalka Soomaaliya Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa maanta booqasho ku tegay xarunta safaaradda Soomaaliya ee magaalada New Delhi ee dalka Hindiya.

Danjiraha dowladda Soomaaliya Mudane Axmed Cali Daahir, Qunsulka ahna ku-xigeenka safiirka Mudane Cabdifataax Cabdullaahi Nuur iyo diblomaasiyiin kale ayaa ku soo dhaweeyay xarunta Safaaradda.

Wasiirka ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay sidoo kale waxaa uu mid mid u booqday dhammaan xafiisyada ay ka kooban tahay Safaaradda.

Intaasi kadib Danjire Axmed Cali Daahir ayaa warbixin guud ka siiyay xaaladaha kala duwan ee waddanka Hindiya iyo sida uu yahay xiriirka labada dal iyo wada shaqeynta ka dhexeysa hey’addaha kala duwan.

Dalka Hindiya waxa uu ka mid yahay dalalka ugu badan oo ay dadka Soomaaliyeed u soo doontaan adeegyada kala duwan sida waxbarashada, caafimaadka iyo ganacsiga. Wasiirka Faarax Sheekh ayaa maalmaha soo socda dalka Hindiya u sii joogi doona hawlo shaqo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com