Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka oo ansixiyay Sharciga La Dagaallanka Argagixisada iyo Sharciga Socdaalka.

HomeWararka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka oo ansixiyay Sharciga La Dagaallanka Argagixisada iyo Sharciga Socdaalka.

Golaha Wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya ayaa xalay yeeshay kulan aan caadi ahayn, Waxaana Shir gudoomiyay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalk

Abdinajiib Maxamuud, Iskuul Qardho, oo Qalinjabintiisa ku Faraxsan
MUQDISHO: Nin Xaaskiisa ku gowracay $ 25 Doolar oo ay u diiday?
MKX Camay: “Puntland baa Masuul ka ah Reer Galmudug si Lammid ah Reer Puntland”

Golaha Wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya ayaa xalay yeeshay kulan aan caadi ahayn, Waxaana Shir gudoomiyay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.

Golaha Wasiirada ayaa intii kulanka uu u socday , meel mariyay xeerka la dagaalanka argigixisada.

Xeerkaan ayaa xukuumaddu sheegtay inuu door weyn ka qaadanayo dagaalka looga soo horjeedo Alshabaab iyo Sidii da;lka looga saari lahaa.

Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa sheegay in xeerka la ansixiyay uu ahmiyad gaar ah uu u leeyahay waqti xaadirkaan dagaalka dawladu ay kula jirto Alshabaab iyo Daacish .

Xeerka ay xalay Ansixiyeen Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhowr sano ka hor la diyaariyay laguma guulaysan in uu meel maro.

Sidoo kale, golaha wasiiradda ayaa xalay meel mariyay heshiis dhinaca socdaalka ah oo ay wasaaardda amnigu soo diyaarisay iyo heshiis kale oo ay Soomaaliya la saxiixatay Dawlada Uganda.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: