Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Wafdi gaaray Baydhabo kala hadlay Amniga & Abaaraha

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Wafdi gaaray Baydhabo kala hadlay Amniga & Abaaraha

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa Xarunta Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Wafdi ka socday Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya oo Maanta gaaray magaalada Baydhabo

Kulan saacado qaatay ayey yeesheen Madaxweyne Laftagareen iyo wafdiga waxana ay kaga hadleen kulankooda xaalada Dalka oo ugu horeeyso Amniga, Abaaraha, Siyaasada iyo Hormarinta adeegyada Dowladda.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa wafdiga warbxiin ka siiyay xaaladda amni ee degaannada Koonfur Galbed, howlgallada ka socda iyo kuwa la filayo inay dhawaan ka bilaawday.

Wafdi ka socday Safaarada Mareykanka ee gaaray baydhabo ayaa dhankooda uga mahad celiyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed soo dhaweyntooda, iytaga oo sheegay inay laba jibaari doonaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya, sida amniga & Abaaraha.

Wafdi ka socday Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa sidoo kale waxaa la filayaa in maalmaha soo socda inay tagaan Magaalooyinka kale ee dowlad goboleedyada, iyaga oo madaxda maamulada kala hadli doona howlgallada ka socda dalka & waxka qabashada Abaaraha.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com