Dowladda Soomaaliya oo mamnuucday baahinta wararka Al-Shabaab

Dowladda Soomaaliya oo mamnuucday baahinta wararka Al-Shabaab

Dowladda Soomaaliya waxay dambi ka dhigtay in la faafiyo wax kasta oo la xiriira Al-shabaab, sida Muuqaalada sawirada codadka iyo farriimaha Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in ay xirtay 46 barro dhanka internet-ka oo ay AlShabaab u adeegsaneysay faafinta fekerkooda, sidda uu sheegay wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Al-Cadaala.

Waxaa kaloo uu sheegay in ku dabajirnaa in ay xiraan baro kale oo ay website-yo ku jiraan.

“Wararka Al-Shabaab lama faafin karo, waxa aan tallaabo ka qaadaynaa ciddii faafisa afkaartooda, waxa aan xidhnay bogag kala duwan kuwa kalena waan xidhaynaa” – Cabdiraxmaan Al-Caddaalada, Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com