Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Mareykanka

HomeWararka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Mareykanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galayey Meertada 77-aad ee Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey

Wafdigii Golaha Xukuumadda oo Safarkii Burtinle soo Gabagabeeyey
Warka Fiidnimo,Ayaanle Cabdulaahi , Daljir Cabudwaaq (dhegayso)
Taliyaha ciidamada Daraawiishta Puntland“ Dhididka kaaga baxaa Tababarka waxa uu yareeyaa dhiiga kaaga baxa dagaalka”(dhegayso)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galayey Meertada 77-aad ee Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey ayaa sidoo kale ka qaybgalay martiqaad uu ku maamuusay Madaxweynaha Dowladda Maraykanka Joe Biden.

Madaxweynuhu waxa uu ku bogaadiyey dowladda Maraykanka doorka ay ka qaadanayso dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo sida uu sheegay caqabad ku ah nolosha iyo horumarka dadka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed oo iskaashanaya ay dalkooda ka xoreynayaan Al-Shabaab, si Shacabka looga dulqaado caqabadaha ay ku hayaan.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay Madaxweynaha in xilligaan dagaal naf-hurnimo iyo geesinimo ah uu ka socdo deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan Al-Shabaab, taasina ay u baahan tahay garab istaag iyo taageero caalami ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay ula kulmay, isla markaana dagaalka Al-Shabaab kala hadlay Madaxdii ka qeyb gashay Meertada 77-aad ee Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: