Xagge Marayaan Howlgaladi kasocday gobalada dalka ee kadhanka ahaa Alshabaab

Xagge Marayaan Howlgaladi kasocday gobalada dalka ee kadhanka ahaa Alshabaab

Waxaa sii xoogeysanaya howlgallada ka dhanka ah ururka Al-Shabaab oo Ciidamada dowladda Somaaliya iyo dadka degaannada ay kawadaan qaar kamid ah Gobollada dalka.

Saacadihii la soo dhaafay ciidamada dowladda & dadka degaanka ayaa la wareegay degaano ka kala tirsan Gobolada Hiiraan, Galgaduud & Gedo, halkaas oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Degaannada ay Ciidamada dowladda la wareegeen deegaanka labi-dulle oo in ka yar 16km ujira magaalada Ceel-lahelay ee gobolka Galgaduud,, degaano hoostaga degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo & degaano katirsan Gobolada Hiiraan.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Janeraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in tallaabo kasta oo ay qaadaan Ciidamada xoogga dalka uu uga socdo Ajar, isla markaana aysan jirin dan gaar ah oo ay u socdaan, balse ay badbaadinayaan Qaranka & Bulshada.

Howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa weli xoogooda ayaa waxaa ay ka socdaan degaano ka kala tirsan Gobolada Hiiraan & Galgaduud ee Maamulada Hir-Shabeelle & Galmudug.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com