Dad ku dhintay Doon kula degtay Xeebaha dalka Syria

HomeWararka

Dad ku dhintay Doon kula degtay Xeebaha dalka Syria

Masuuliyiinta dalka Syria ayaa sheegaya inay heleen meydadka illaa 34 qof, iyada oo la soo badbaadiyey 14 qof oo kale oo muhaajiriin ah, ka dib markii

Duullimaadkii gegida diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf ee Gaalkacyo oo xiritaan qarka u saaran (dhegayso)
Ciidamada Maraykanka ayaa duqaymo dhanka cir ah ku dilay xubno katirsan Alshabaab
Alshabaab oo shegay inay fashiliyeen Weraar Jamaame kadhici lahaa xalay

Masuuliyiinta dalka Syria ayaa sheegaya inay heleen meydadka illaa 34 qof, iyada oo la soo badbaadiyey 14 qof oo kale oo muhaajiriin ah, ka dib markii ay degtay doontii ay la socdeen oo maraysay meel u dhow xeebta magaalada Tartus ee dalka Syria. Xubnaha la soo badbaadiyey ayaa sheegay inay ka yimaadeen Woqooyiga dalka Lebanon, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Reuters.

Samer Qubrusli oo ah agaasimaha guud ee dekedaha ee Syria oo soo xiganayey, muhaajiriinta ay badbaadiyeen ayaa sheegay in doonta degtay ama qaraqantay ay maalmo ka hor ka timi Minyeh oo ku taalla Woqooyiga Lubnaan, isaga oo intaas sii raaciyey in dadka doonta saarnaa ay ka soo kala jeedeen dalal kala duwan.

Ilaa haatan waxaa socda baadigoobka loogu jiro in la helo, dad kale oo ka badbaaday doonta degtay.

Lubnaan ayaa haatan waxaa soo foodsaaray sare u kac ballaadhan oo ku yimid dhinaca tahriibka, iyada oo dalkaasi uu ku jiro mid ka mida xaaladihii dhaqaale ee ugu xumaa ee soo mara tan iyo sannadkii 1850-kii.

Dadka ka tahriibaya dalka Lubnaan ayay ku jiraan qaxootiga Syrian-ka ah iyo Falastiiniyiinta, ku jiray xeryaha qaxooti ee dalkaas ku yaallay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: