Alshabaab oo shegay inay fashiliyeen Weraar Jamaame kadhici lahaa xalay

Alshabaab oo shegay inay fashiliyeen Weraar Jamaame kadhici lahaa xalay

Wararka ka imanaya Gobolka Jubada hoose gaar ahaan Degmada Jamaame ayaa sheegaya in xalay Ciidamada gaarka ah ee Dowladda Soomaaliya iyo kuwo Mareykan ah ay weerar ku qaadeen degmadaas.

Warbaahinta Xarakada Al-shabab ayaa qoraya in Ciidamada isbaheysanayay ay dhulka degeen iyaga oo isku dayay in ay dagaal ka galaan gudaha Magaalada hayeeshee Al-shabaab ay ka war heleen xogta weerarkaas.

Ciidamada ayaa iska caabin kala kulmay Ciidamadii Al-shabab ee jooga Jamaame,waxaana Al-shabaab ay sheegeen in Ciidamada isbaheysanayay ay dhinaca Magaalada Kismaayo aadeen markii dambe.

Al-shabaab waxaa ay intaas raaciyeen in Ciidamada huwanta ah ay duqeeyeen Magaalada oo ay ku garaaceen Hoobiyayaal ka hor inta aysan ka bixin.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com