Wasaaradda Waxbarashada oo ku dhawaaqday Natiijada Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Sare

HomeWararka

Wasaaradda Waxbarashada oo ku dhawaaqday Natiijada Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Sare

Wasaaradda Waxbarashada iyo hidaha iyo taliinta sare ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Maanta oo Talaado ah waxaa ay ku dhawaaqday Natii

WARKA FIIDNIMO | XUSEEN MADAR | DALJIR GAALKACYO
Cismaan Maxamuud Ismaaciil | 30 sano oo qurbajoognimo ah kadib wuxuu kusoo laabtay dalka,
BADHAN: Xuska sannad Guuradii 80aad ee ka soo wareegtey aasaaskii SYL

Wasaaradda Waxbarashada iyo hidaha iyo taliinta sare ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Maanta oo Talaado ah waxaa ay ku dhawaaqday Natiijada Imtixaanka Shahaadiga Dugsiyada sare ee 2021/2022.

Wasaaradda ayaa horay ugu diiwaangelisay inay imtiaanka galayaan 34,469 oo ardayda, balse waxaa u fariisatay 33,468 oo arday, sidaas waxaa uga haray imtixaanka oo aan gelin ama u fariisan 1,001 Arday.

Wasaaradda Waxbrashada ayaa ku sheegtay in tirada baastay imtixaanka guud ee shahaadiga ee fasalka 12-aad sanad dugsiyeedkii tegay uu yahay 32,325 arday oo u dhiganta 97%. halka y imtixaanka ku dhaceen 1143 arday oo u dhiganta 3%.

Ardayda sanadkaan ku dhacay imtixaanka ay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ka qaaday Iskuulada kuyaalla gobolka Banaadir & dowlad Goboleedyada ayaa waxaa ay kala joogaan.

1,100 ka mid ah ardayda ku dhacday imtixaanka dowladda waxay ku galeen Gobolka Banaadir, halka 43-da kale ay imtixaanka ku galeen gobollada kale ee dalka, sida degaannada.

1 – Deegaanada Koonfur Galbeed 24 arday ayaa dhacday.

2 – Galmudug 7 arday ayaa dhacday.

3 – Jubbaland 6 arday ayaa dhacday.

4 – HirShabelle 6 arday ayaa dhacday.

COMMENTS

WORDPRESS: 1
DISQUS: