Wasaaradda Waxbarashada oo ku dhawaaqday Natiijada Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Sare

Wasaaradda Waxbarashada iyo hidaha iyo taliinta sare ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Maanta oo Talaado ah waxaa ay ku dhawaaqday Natiijada Imtixaanka Shahaadiga Dugsiyada sare ee 2021/2022.

Wasaaradda ayaa horay ugu diiwaangelisay inay imtiaanka galayaan 34,469 oo ardayda, balse waxaa u fariisatay 33,468 oo arday, sidaas waxaa uga haray imtixaanka oo aan gelin ama u fariisan 1,001 Arday.

Wasaaradda Waxbrashada ayaa ku sheegtay in tirada baastay imtixaanka guud ee shahaadiga ee fasalka 12-aad sanad dugsiyeedkii tegay uu yahay 32,325 arday oo u dhiganta 97%. halka y imtixaanka ku dhaceen 1143 arday oo u dhiganta 3%.

Ardayda sanadkaan ku dhacay imtixaanka ay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ka qaaday Iskuulada kuyaalla gobolka Banaadir & dowlad Goboleedyada ayaa waxaa ay kala joogaan.

1,100 ka mid ah ardayda ku dhacday imtixaanka dowladda waxay ku galeen Gobolka Banaadir, halka 43-da kale ay imtixaanka ku galeen gobollada kale ee dalka, sida degaannada.

1 – Deegaanada Koonfur Galbeed 24 arday ayaa dhacday.

2 – Galmudug 7 arday ayaa dhacday.

3 – Jubbaland 6 arday ayaa dhacday.

4 – HirShabelle 6 arday ayaa dhacday.


Posted

in

by

Tags:

Comments

One response to “Wasaaradda Waxbarashada oo ku dhawaaqday Natiijada Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Sare”

  1. Cabdulcasiis ali hasan aadan

    20909644

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com