Maamulka Jubbaland oo ku dhawaaqay in DFS kala kaashanayaan la-dagaalanka Al-Shabaab

HomeWararka

Maamulka Jubbaland oo ku dhawaaqay in DFS kala kaashanayaan la-dagaalanka Al-Shabaab

Madaxweyne ku-xigeenka labaad ee Maamulka Jubbaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud Lugadheere ayaa sheegay in la qaadayo howlgallo Ururka Al-Shabaab loog

Caawa & Daljir iyo Maxamed Lakiman, Daljir Bosaaso (daawo)
MARTISOOR: Caaqil Siciid Xasan Xaaji Yuusuf (Waraabe-Cadde)
Madaxweyne Ku-Xigeenka Puntland oo Shir Guddoomiyey kulan Looga hadlayey ka hortagga Abaaraha Puntland (Sawiro)

Madaxweyne ku-xigeenka labaad ee Maamulka Jubbaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud Lugadheere ayaa sheegay in la qaadayo howlgallo Ururka Al-Shabaab looga saarayo deegaannada ay weli ku harsan yihiin ee Jubbaland.

Sidoo kale wuxuu hadalkiisa uu intaasi kudaray in Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedka Jubbaland ay si wadajir ah uga shaqaynayaan howlgallo midaysan oo Al-Shabaab lagaga saarayo deegaanada ay wali ku harsan yihiin, si culayska looga dulqaado dadka shacabka ah.

Dhammaan Saraakiisha Ciidamada Jubaland iyo kuwa dowladda Federaalka ah ee Soomalaiya ayuu ugu baaqay inay u diyaar garoobaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab si loo xaqiijiyo amniga gud ee degaannada Jubbaland.

Dhowr jeer ayaa Maamulka Jubbaland uu shaaciyay inay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iskaashi ka yeelan doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, hayeeshee aysan fulin maadaama inta badan ay dhinacyadu is-khilaafaan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: