Madaxweynaha Hiirshabeele oo si kulul uga hadlay qarixii ismidaaminta ahaa ee jowhar kadhacay

Madaxweynaha Hiirshabeele oo si kulul uga hadlay qarixii ismidaaminta ahaa ee jowhar kadhacay

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali Guudlaawe oo shir jaraa’id qabtay ayaa faah faahiyay khasaaraha ka dhashay qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee barqanimadii manta ka dhacay magaalada Jowhar.

Guudlaawe oo canbaareeyay weerarkaasi ayaa sheegay in khasaaraha ka dhashay uu yahay dhimashada Saddex qof oo laba kamida ay shacab yihiin iyo hal askari, kuwaasoo uu ku soo dumay dhismo ku dhegan hoteelka la weeraray.

Dhaawaca ayuu ku sheegay tiradooda todobo ruux, wuxuuna tilmaamay in sidoo kale burbur lixaad leh uu soo gaaray dhismaha la beegsaday iyo guryo kudhow oo shacab ay dagan yihiin.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa kooxdii fulisay qaraxaan ee Al-Shabaab wuxuu ku tilmaamay musiibo hor taagan nolosha iyo hormarka dadka Soomaaliyeed, isagoo ku baaqay in meel looga soo wada jeesto oo lasoo afjaro, si looga baaqsado khasaaraha ay joogtada u geysanayaan.

Si kastaba, gelinkii danbe ee maanta waxaa Muqdisho la keenay qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay weerarkaas oo isugu jiray mas’uuliyiin Hirshabelle ka tirsan, askar iyo dad shacab ah, iyadoo laba diyaarad oo ay dowladda u dirtay lagu soo qaaday dadka dhaawacyada qabay oo lakala geeyay Isbitaalo ay dowladda u sii diyaarisay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com