Soomaaliya & Hay’adda lacagta Adduunka oo ka wada-hadlay Arrimaha deyn cafinta

HomeWararka

Soomaaliya & Hay’adda lacagta Adduunka oo ka wada-hadlay Arrimaha deyn cafinta

Waxaa shir ku qabsoomay habka fogaan aragga ee Zoom-ka muhiimna u ahaa hannaanka Geddi Socodka deyn cafinta Soomaaliya yeeshay Wasiirka Wasaaradda Maa

Khilaafka Carabta oo Fashiliyey U Jeedadii Carabtu Ka Lahayd Dekedaha Somalia iyo Yemen
XULASHADA DALJIR | DEEQO LADAN BASHIIR
Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha oo Imtixaan u furtay wakiilada Ganacsiga Dalka.

Waxaa shir ku qabsoomay habka fogaan aragga ee Zoom-ka muhiimna u ahaa hannaanka Geddi Socodka deyn cafinta Soomaaliya yeeshay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dr. Cabdiraxman Ducaale Beyle iyo Madaxda Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF, waxana shir Guddoomiyay Madaxweynaha cusub ee dowladda Federaalka Soomaaliya, Xassan Sheikh Maxamuud.

Shirka ayaa looga hadlay halka uu marayo dib-u-habaynta dhaqaalaha dalka iyo sharuudaha dhamaystirka barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya oo dalka aad muhiim ugu ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay sida ay uga go’an tahay dowladda Federaalka in la sii waddo dadaalada lagu xaqiijinayo dib- u – habeynta hannaanka Maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Soomaaliya ayaa weli dadaal ugu jirta sidii looga cafin lahaa deymaha lagu leeyahay, iyada oo ay jiraan dalal dhowr ah oo horay deymaha uga cafiyay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: