Taliyaha ciidanka booliska oo tababar u soo xiray ciidamo cusub

HomeWararka

Taliyaha ciidanka booliska oo tababar u soo xiray ciidamo cusub

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo safar shaqo ku jooga dalka Jabuuti, ayaa maanta halkaas tababar ugu soo x

Madaxweynaha Puntland oo digiin u diray dadka Burburinaya Jiritanka Puntland
Goobo Taariikhi ah oo ku bur-buray dalka Indonesia
Maxay ka wada hadleen Madaxweynaha Galmudug & Safiirka UK ee Soomaaliya?

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo safar shaqo ku jooga dalka Jabuuti, ayaa maanta halkaas tababar ugu soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Booliska Soomaaliyeed.

Ciidanka tababarka loo xiray ayaa noqonaya dufcaddii 16-aad oo tababar heerkeedu sarreeyo ku qaadata dalkaas.

Taliyaha oo khudbad u jeediyey dufcaddan cusub ee Ciidanka Daraawiishta Booliska Soomaaliyeed, ayaa kula dardaarmay gudashada wajibka qaran ee loo tababaray.

Waxa tababarka dufcaddani qayb ka yahay, dadaallada dib loogu dhisayo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, si ay u hantaan sugidda amniga dalka iyo ilaalinta nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: