Qarax khasaare geeystay oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

HomeWararka

Qarax khasaare geeystay oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa Ciidamo katirsan kuwa dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxaa lagula eegtay degaanka Buurane oo

Dowladda oo sheegtay in howlgal & duqeymo lagu dilay 49 katirsan Al-Shabaab
Wasiiradii Cusbaa ee Puntland oo Barlamaanka La Hadlaya (TOOS U DAAWO)
Odayaasha iyo Kaluumaystada Degmadda Eyl ee Gobalka Nugaal oo ka Cabanaya Maraakib Jirifayaal ah (dhegayso)

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa Ciidamo katirsan kuwa dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxaa lagula eegtay degaanka Buurane oo kuyaalla duleedka Magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.

Ciidamada qaraxa lala beegsaday ayaa Goobjoogayaal sheegeen inay wateen Mooto nooca labada lug leh ee Fekonta loo yaqaan, waxaana qaraxa ku dhintay hal Askari halka mid kale uu ku dhaawacmay.

Ciidamo kale oo katirsan kuwa dowladda kana agdhowaa halka uu qaraxa ka dhacay ayaa tegay Goobta, iyaga oo halkaasi ka qaaday Askarta ku waxyeeloobay qaraxa.

Dadka kunool degaanka Buurane ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegay inay wajahayaan cabsi Amni darro kadib markii degaanka ay kusoo bateen qaraxyada, waxaana ay aheyd markii todobaadkii hore degaankaas lagu qarxiyay Ciifamo katirsan kuwa howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: