Abwaan Badal Jaamac oo Caawa lagu dilay Magaalada Muqdisho

Abwaan Badal Jaamac oo Caawa lagu dilay Magaalada Muqdisho

Kooxo ku hubeysnaa bustoolado ayaa Caawa Xaafad katirsan degmada kaxda ee gobolka Banaadir waxaa ay kudileen Abwaan Badal oo kamid ahaa Odayaasha dhaqanka degmadaas xilli uu Masaajidka kasoo baxay Salaadii Maqrib.

Lama oga sababta loo dilay Abwaan Badal Jaamac Xersi, hayeeshee waxaa la sheegay in dadkii ka dambeeyay dilkiisa ay goobta ka baxadeen, waxaana tegay ciidamo Boolis ah oo goobta meydka ka qaaday.

Abwaan Badal Jaamac Xersi ayaa kamid ahaa odayaasha Dhaqanka Muqdisho , wuxuuna inta badan ka hadli jiray xaaladaha siyaasadeed ee dalka, sidoo kalena uu ka qeyb geli jiray doodaha Siyaasadeed.

Laamaha Amniga iyo Maamulka degmada kaxda ayaan weli ka hadlin dilka degmadaas loogu geystay Caawa Abwaan Badal Jaamac Xersi, waxaana uu qeyb ka yahay dilalka ka dhaca Magaalada Muqdisho.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com