Xildhibaan Aamino oo meydkeeda la geeyey Muqdisho, iyo madax ka qaybgashay jinaasadeeda

HomeWararka

Xildhibaan Aamino oo meydkeeda la geeyey Muqdisho, iyo madax ka qaybgashay jinaasadeeda

Alle ha u naxaruistee maanta oo Khamiis ah waxaa maamuus jinaaso loogu sameeyey magaalada Muqdisho Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi oo xalay lagu dilay

Daawo-Madaxweyne Farmaajo oo U Gacan Qaaday Askari Shacabka Ka Xigsadey
12 April Maalinta ciidanka xooga Dalka oo maanta siweyn looga xusay muqdisho
Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhalinyarada Muqdisho jihaynaya

Alle ha u naxaruistee maanta oo Khamiis ah waxaa maamuus jinaaso loogu sameeyey magaalada Muqdisho Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi oo xalay lagu dilay Qarax lagula beegsaday magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan.

Madax dawladda ah oo uu ka yahay Rwasaare Rooble, madaxweynayaashii hore, Rwasaagayaal hore, siyaasiyiin iyo qaybo badan oo bulshada ah ayaa ka qaybgalay salaadda jinaasada rabbi ha u naxariistee xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi, waxaana kale oo isla jinaasadaasi lagu tukaday xidhibaan hore Cali Cabdi Dhuxul oo isla qaraxaasi ismiidaaminta ah ku dhintay.

Jinaasada ku tukashada Aamino Maxamed waxaa laga jeediyey khudbado xoogga lagu saaray taariikhdii nololeed ee Aamino, iyo waxtarkeedii xagga bulshada.

Aamino Maxamdd Cabdi ayaa ka mid ahayd baarlamaankii 10aad ee xilhayntoodu dhammaatay, haddana waxay ahayd musharraxad u taagan kursiga numberkiisu yahay HOP 135, kaasoo yaalla magaalada Beledweyn. Waxaana aamino muddo u olalaynaysay baadigoobka xaq iyo xuquuqeed ee Ikraan Taliil oo ka tirsanayd hay’adda nabadsugidda qaranka taasoo la waayey nolosheeda iyo geerideedaba, inkastoo hay’adda NISA ee ay ka tirsanayd ay sheegtay in ku dhacdya gacanta Alshabaab, kadibna la dilay, Alshabaab na waa ay beenisay arrinkaasi.

Diiwaanka Wararka
Warbaahinta Daljir.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: