Muqdisho & Kulamada u socda saamileyda siyaasada

Muqdisho & Kulamada u socda saamileyda siyaasada

Waxaa Magaalada Muqdisho kulamo looga hadlayo Arrimaha doorashooyinka uga socdaa saamileyda siyaasadeed ee dalka maadaama waqtigii loogu talo galay doorashada ay qabsoomi weeyday.

Kulamada ugu badan ayaa waxaa yeeshay qaar kamid ah Madaxda dowlad Goboleedyada iyo Midowga Musharrixiinta, iyaga oo diirada ku saarayay sida xalka loogu heli karo caqabadaha weli heysta dhameystirka arrimaha doorashooyinka.

Qaar kamid ah Madaxda dowlad Gobeedyada ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa dhankooda waxaa ay kulamo la yeesheen qaar kamid ah Wakiilada Beesha Caalamka, iyaga oo ka wada hadlay xal u helista muranka doorashooyinka iyo sidii looga gudbi lahaa caqabadaha heysta.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa la filayaa in lagu qabto kulan ay yeelanayaan Golaha wadatashiga Qaran oo ka kooban Ra’iisul Wasaaraha, Madaxda 5-ta Dowlad Goboleed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, kaas oo la filayo in go’aan looga gaaro dhameystirka doorashooyinka dalka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com