Sidee ayay u dhacday Doorashadii maanta ee Baydhabo & Dhuusamareeb, Yaase kusoo baxay?

HomeWararka

Sidee ayay u dhacday Doorashadii maanta ee Baydhabo & Dhuusamareeb, Yaase kusoo baxay?

Xildhibaano ka mid ah Golaha Shacabka ayaa maanta lagu doortay Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Baydhabo. Hal xildhibaan ayaa lagu doortay Dhuusamare

Shirkii Muqdisho oo wali socda & Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo la kulmay qaar kamid ah madaxda Maamul Goboleedyada
Saaka & Dunida iyo Maxamed Xasan Dhalo, Daljir Badhan (dhegayso)
PUNTLAND: Guddiga ka hortagga iyo la-tacaalidda xanuunka COVID-19 oo Go’aamo soo saaray (Akhriso)

Xildhibaano ka mid ah Golaha Shacabka ayaa maanta lagu doortay Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Baydhabo.

Hal xildhibaan ayaa lagu doortay Dhuusamareeb halka Saddex xildhibaan lagu doortay magaalada Baydhabo.

Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop182 ee golaha shacabka BJFS isagoo kaga guuleystay tartanka Faysal Ibraahim Xasan.

Fowsiya Maxamed Shekh ayaa mar kale ku guuleystey Kursiga Nambarkiisa uu yahay Hop 171 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya waxayna Heshay Codad dhan 84 halka musharaxii la tartamaysay ee Khadiijo Maxamed Ibraahim oo iyadana heshay Codad dhan 13.

Aadan Maxamed Nuur (Saran-soor) ayaa ku guuleystey Kursiga Nambarkiisa uu yahay Hop 170 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya wuxuuna heley Codad dhan 82 halka musharaxii la tartamayey ee Zakariye Maxamed Cabdi uu isna heley 12.

Cabdi shakuur Cali Mire ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop#054 ee golaha shacabka BJFS isagoo kaga guuleystay tartanka musharixiin dhowr ah.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: