8-Ruux ayaa ku dhintay, halka 17 kale  ay ku dhaawacmeen qaraxii Muqdisho

HomeWararka

8-Ruux ayaa ku dhintay, halka 17 kale ay ku dhaawacmeen qaraxii Muqdisho

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Fitaax Aadan Xasan ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in qaraxa lala damacsanaa gaadiid ka mid ah k

Saaka & Dunida iyo Maxamed Lakiman, Daljir Bosaaso (dhegayso)
Daljir & BBCMA: BARAARUGGA Haweenka | (Taxanaha 69aad daawo)
Alshabaab oo xukun ka fuliyaay Shabeelaha Hoose

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Fitaax Aadan Xasan ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in qaraxa lala damacsanaa gaadiid ka mid ah kuwa ilaaliya UN-ka oo goobta marayey, isla markaana ay ku dhinteen 8-ruux halka 17 kale ay ku dhaawacmeen qaraxaas.

“25-11-2021 abaaro 07:32hrs waxaa Qarax gaari ka dhacay inta u dhaxeysa isgoyska Tarabuunka iyo Guriga Ex.M. Cabdiqaasim gaar ahaan Afaafka Hore ee Iskuulka Mocaasir oo kuyaala kasoo horjeedka Dugsi sare Banaadir
Gaariga Qarxay Noociisu waa Surf kana yimid dhanka Tarbuunka taarget.ka wuxuu ahaa Baabuurta waardiyeysa UN.ka ee looyaqaano Duguf Security Qasaaruhuna ay Turakoobeen Boliisku waa 8 Dhimasho ah iyo 17 Dhaawac ah”

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxaas, iyaga oo sheegay inay la beegsadeen Saraakiil Cadaan ah iyo tababarayaal Millateri.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: