Mahad Cabdalla Cawad oo mar kale ku guuleystay kurisiga  Hop104 ee Aqalk Hoose

HomeWararka

Mahad Cabdalla Cawad oo mar kale ku guuleystay kurisiga Hop104 ee Aqalk Hoose

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa Maanta lagu qabtay doorashada kursiga Hop104 oo uu markale ku guuleystay kursigaas guddoomiye

Senataro Aqalka Sare ee Mareykanka oo qiray in Amiir Maxamed bin Salman uu amray dilka Khashoggi (Daawo)
Barakacayaasha Muqdisho oo uu saameyn xoogan ku yeeshay roobki ka da’ay Caasimada
Shirkii IGAD oo Warmurtiyeed laga soo saaray & Soomaaliya oo xubin muhiim ah laga siinayo ururka

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa Maanta lagu qabtay doorashada kursiga Hop104 oo uu markale ku guuleystay kursigaas guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad oo Afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay.

Kursiga ayaa waxaa Mahad Cabdalla Cawad kula tartantay Shukri Cali Faarax, waxaana ugu dambeyn ku guuleystay guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad oo helay 84 Cod halka Shukri Cali Faarax aysan helin wax cod ah, waxaana xumaaday 17 cod.

Doorashada kursiga Hop104 ee uu kusoo baxay Mahad Cabdalla Cawad ayaan yeelan wax xiiso ah maadaama tartan adag uusan aheyn, waxana goordow la guda galayaa doorashada kursiga labaad ee Hop26 oo ay horay ugu fadhiday Xildhibaan Ikraan Aadan Absuge, balse la filayo in uu u tartamo kuna soo baxo Yuusuf Geelle Ugaas (Dhageey)

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: