ROOBLE OO GAROWE KU WAJAHAN

ROOBLE OO GAROWE KU WAJAHAN

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxaa lagu wadaa in Maalinta Berri oo Sabti ah inay gaaraan Magaalada Garoowe.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha oo shalay dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho ayaa la filayaa in uu Magaalada Garoowe uga qeyb galo kulamo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ka codsaday labada Madaxweyne ee Dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland in aysan kala tegin si markii uu Garoowe tago uu kulan ula yeesho.

Kulanka dhinacyada ayaa waxaa intiisa badan diirada lagu saari doonaa arrimaha doorashooyinka Golaha Shacabka, sidoo kalena Madaxweynaayaasha Jubbaland & Puntland ay Ra’iisul Wasaaraha u gudbin doonaan dalab ku aadan inay doonayaan in hal degaan laga dhigo doorashada Golaha Shacabka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com