Madaxweyne Deni oo Magacaabay taliyeyaal cusub

Madaxweyne Deni oo Magacaabay taliyeyaal cusub

Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 38 ee November 17, 2021 kuna saabsan magacaabid Taliyaha iyo Taliye Xigeenka 1-aad ee Ciidanka Asluubta.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoondooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda Ciidanimo

Wuxuu xeeriyey:

Waxaa S/Guuto Bile Faarax Cali loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland.
Waxaa S/Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Axmed (Gantaal) loo magacaabay Taliye Xigeenka 1-aad ee Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland.
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com