Muxuu salka ku hayaa safarka madaxweyne Axmed Madoobe ee Garowe?

Muxuu salka ku hayaa safarka madaxweyne Axmed Madoobe ee Garowe?

Waxaa maanta la filayaa in magaalada Garowe uu soogaaro Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe, iyadoo garoonka diyaaradaha ay kasocoto qaban qaabada soo dhaweynta madaxweynaha iyo wafdigiisa.

Axmed Madoobe ayaa inta uu Garowe ku suganyahay waxa uu kulamo ku saabsan arrimaha doorashooyinka la yeelan doona madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni waxaana Labada mas’uul si gaar ah uga wada-hadli doonaan doorashada Golaha Shacabka.

labada Madaxweyne ee Jubbaland iyo Puntland ayaa waxaa ka dhaxeeya xulafeysi gaaar ah oo siyaasadeed, waxaana taasi ay keentay in Sanotero kasoo jeedo Puntland lagu doorto Kismaayo, halka Sanetoro kasoo jeeda Jubbaland lagu doorto Magaalada Garoowe.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe inta uu ku sugan yahay Garoowe uu shir la yeelan doono Xubnaha Golaha Wsiirada Puntland.

Kulanka ay yeelanayaan Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa kusoo aadaya xilli dhawaan la guda galayo doorashooyinka Xildhibaannada Golaha Shacabka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com