Guddiga doorashooyinka oo maamulada u kala diray agabkii lagu codeyn lahaa

Guddiga doorashooyinka oo maamulada u kala diray agabkii lagu codeyn lahaa

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF), ayaa agabkii Doorashada Gollaha Shacabka ukala diray Dowlad Goboleedyada Galmudug, Koonfur galbeed iyo Jubaland.

Iyadoo oo maalmaha Soo socda la filaayo in ay ka bilaaban doonto Doorashooyinka Gollaha Shacabka.

Diyaarado ayaa maanta ka daabulay Muqdisho waxaana si rasmi ah loogu wareejiyay guddiyada doorashooyinka ee heer maamul goboleed.

Todobaadkaan gudahiisa ayuu qorshuhu yahay in si deg deg ah loo bilaabo doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka.

Maanta waxaa guud ahaan lasoo afjaray doorashada xildhibaanada Aqalka Sare, waxaana la doortay labadii Senator ee ugu dambeysay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com