Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Guriceel (daawo)

HomeWararka

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Guriceel (daawo)

Waxaa saaka rasaas goos goos ah laga maqlayaa aaga Jaamacadaha ee degmada Guriceel, halkaas oo saacadihii la soo dhaafay ay siweyn ugu dagaalameen Cii

Madaxweyne Deni oo markale noqday Madaxweynaha Puntland
Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay Xilliga ay dhacayso Dorashada Qof iyo Cod ee Golayaasha Degaanka Puntland
Faahfaahin: Laamaha Amniga Gobalka Bari oo Fashiliyeey Qaraxyo ,soona Bandhigay (Daawo)

Waxaa saaka rasaas goos goos ah laga maqlayaa aaga Jaamacadaha ee degmada Guriceel, halkaas oo saacadihii la soo dhaafay ay siweyn ugu dagaalameen Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo xoogaga Ahlusunna.

Wararku waxa ay sheegay in labada dhinac ay kala joogaan Goobihii ay ku dagaalameen, waxaana dagaalkii ugu dambeeyay ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo soo kala gaaray labada Ciidan.

Dhinacyada ayaa saacadihii la soo dhaafay kala helay gurmadyo kala duwan, waxaana Maalintii Saddexaad xaalad cakirnaan ah ay ka taagan tahay degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Warar haatan soo gaaray Daljir waxa ay sheegayaan in Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan uu shalay dalbaday xabad joonin, balse waxaa warkaasi beeniyay Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Sbire Falagle.

Manirto ilaa iyo hadda waan waan laga dhex wado dhinacyada ku dagaalamaya degmada Guriceel oo hakin karta dagaalka, waxaana dhinacyada dagaalamay ay kala sheeganayaan guulo kala duwan.

Wariyaha Daljir ee Caabudwaaq Ayaanle cabdilahai Jaamac ayaa Xaawo Axmed u waramay.

Diiwanka Waraka.
radio daljir.com.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: