Baarlamaanka Dowlad Deeganka Soomaalida oo Haweeney u doortay Guddoomiye

Baarlamaanka Dowlad Deeganka Soomaalida oo Haweeney u doortay Guddoomiye

Baarlamaanka Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa markii ugu horeysay waxa ay u doorteen Af-hayeenka golaha haweeney lagu magacaabo Ayaan Cabdi.

Af-hayeenka cusub, Ayaan Cabdi ayaa si rasmi ah maanta ula wareegtay xilka Afhayeenka Baarlamaanka Dowlad Deegaanka Soomaalida

Sidoo kale kulankii uu maanta yeeshay baarlamaanka dowlad deegaanka Soomaalida lagu dhaariyay Xildhibaanada Dowlad Deegaanka iyadoo uu dhaariyay Gudoomiyaha Maxkamada Guud Cabdulaahi Siciid Cumar.

Sidoo kale waxaa maanta lagu dhaariyay Golaha Baarlamaanka Dowlad Deegaanka Soomaalida Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka dowlad deegaanka Soomaalida.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com