Midowga Musharaxiinta oo Walaac ka Muujiyay Dib U Dhaca Doorashada

HomeWararka

Midowga Musharaxiinta oo Walaac ka Muujiyay Dib U Dhaca Doorashada

Midowga Musharaxiinta ayaa walaac ka muujiyay dib u dhaca doorashada ee sababay in dalku galo firaaq dastuuri ah iyo xaalad hubanti la’aan ah, iyadoo

Saaka & Dunida iyo Maxamuud Cabdi Ibraahim, Daljir Bossaso (dhegayso)
Shacabka Garoowe oo loogu baaqay shubista dhiigga xilli dagaal cusub uu bilowday
Qardho: Ardayda oo laga wacyi geliyay saamaynta xun ee qaybyaaladda (dhegayso)

Midowga Musharaxiinta ayaa walaac ka muujiyay dib u dhaca doorashada ee sababay in dalku galo firaaq dastuuri ah iyo xaalad hubanti la’aan ah, iyadoo tiro saddex jeer dib looga dhacay jadwalkii doorashooyinka ee lagu heshiiyay oo aan illaa iyo hadda shacabka Soomaaliyeed loo caddeynin sababaha keenay dib u dhaca.

Qoraal kasoo baxay Midowga Musharixiinta ayaa waxaa lagu sheegay inay ka welwelsan yihiin in aysan ilaa iyo haatan shacabka u caddeyn xilliga saxda ah ee ay Doorashada Aqalka Hoose Soomaaliyeed qabsoomayso. Hay’adihii dowladda federaalka oo muddo xiloodkoodii sharciga ahaa dhammaaday ayna keentay hubanti la’aanta siyaasadeed oo sababtay in yididiilladii shacabka yaraato, mugdina hareeyo maalgashigii ganacsi, heshiisyadii caalamiga ahaa, kaalmooyinkii dhaqaale, dayn cafinta, iyo mataaladdii Soomaaliya ee fagaarashayaasha caalamiga ah.

Midowga Musharixiinta ayaa ugu dambeyntii waxa ay qoraalkooda ku muujiyeen in Golaha Wadatashiga Qaran u qaadayo mas’uuliyadda dib u dhaca doorashooyinka dalka, wuxuunna ku adkeeyay madaxda Golaha Wadatashiga in ay dedejiyaan hawlaha doorashooyinka, dhabna u qaataan natiijada taban ee ay dib u dhaca doorashooyinka ku yeelan karto xasilloonida, amniga iyo dhaqaalaha dalka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: