MUQDISHO: Dowladda oo sheegtay inay qabatay Shabakad hubeysan

HomeWararka

MUQDISHO: Dowladda oo sheegtay inay qabatay Shabakad hubeysan

Taliska Nabad Sugidda Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Howlgalkan lagu soo qabtay shabakad ka hawlgali jirtay qeybta galbeed ee Gobolka Banaadir iyo h

FATAHAADA WABIGA SHABEELLE & DADKA OO LAGU DAAD GURAYNAYO DOOMO (WARAYSI)
Taliye Goojaar: “Dimashadu waa 4 Argagixisada Al-Shabaab iyo 1 Mujaahid Ciidanka Jubaland”
Ra’iisul Wasaare Khayre oo Jaangooyey Saacadaha Shaqada Shaqaalaha Xukuumadda

Taliska Nabad Sugidda Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Howlgalkan lagu soo qabtay shabakad ka hawlgali jirtay qeybta galbeed ee Gobolka Banaadir iyo hub kala duwan oo iskugu jira qoryaha fudud, rasaasta Hobiyaha, Bambooyin iyo qorayga RBG-ga ama baasuukaha.

Saraakiil dhinaca amniga ah ayaa sheegay in Shabakadan oo ka koobnayd rag iyo dumar ay Sirdoonka Soomaaliya burburiyeen, ayna ku dabajiraan Xubnihii ka haray shabakadan iyo qori Hobiye ahaa oo ay ummadda ku dhibaatayn jireen.

” Sirdoonka Caasimadda ayaa mar walba heegan u ah ka hortagidda khataraha cadawga argagixisada ah ee caadaystay daadinta dhiiga Shacabka Soomaaliyeed ayaa lagu yiri” Qoraalka kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore sheegtay in howlgallo laga fuliyay Magaalada Muqdisho lagu qabtay hub iyo Xubno katirsan Al-Shabaab.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: