Maxaa looga hadlay shirkii Golaha Wasiirada Jubbaland?

Maxaa looga hadlay shirkii Golaha Wasiirada Jubbaland?

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha wasiirada oo lagaga hadlay xaaladaha abaaraha ka jira qeybo kamid ah Jubaland, arimaha amaanka iyo qodobo kale.

Ugu horayn Wasaarada amniga ayaa ka warbixisay xaalada amniga Jubaland iyo xaaladahii u danbeeyay oo ay kamid yihiin howlgalo ay sameeyeen Ciidamada kala duwan ee amniga.

Wasaaradaha xanaanada xoolaha iyo Wasaarada Maaraynta masiibooyinka ayaa ka warbixiyay abaaro si xoog leh ugu jira qeybo Kamid ah Jubbaland taas oo saamayn ku yeelatay xoolaha iyo dadweynaha, waxaa intaas dheer xanuuno aan la aqoon oo si ba’an u laynaya xoolaha sida wasaarada xanaanada xoolaha ay ku warbixisay.

Dhinaca kale Wasaarada Cadaalada arimaha diinta iyo awqaafta ayaa ka warbixisay shaqooyinka waaxda Cadaalada iyo sida ay muhiimka u tahay in la xoojiyo hay’adaha Cadaalada taas oo wax badan laga qabtay sanadahii lasoo dhaafay.

Ugu danbayntii Wasaarada Caafimaadka ayaa ka warbixisay qalab kala duwan oo Hay’ada Carta foundation ay ugu deeqday Wasaarada taas oo wax badan ka tari doonta shaqooyinka socda iyo dadaalka Wasaarada ee dib loogu habaynayo kaabayaasha Caafimaadka taas oo taageero weyn looga baahan yahay dadka deegaanka ee qurbaha ku maqan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com